Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku fashilmay Heshiisyo qarsoodi ah oo uu la galay Shirkado Ganacsi oo caalami ah.
Madaxweyne Xassan oo shirkadahaasi ka waayay dhaqaalihii ay ku ballameen ayaa iminka shaaciyay in Shirkadahaasi Ganacsi ay Heshiiskooda Hakiyeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkado ganacsi oo caalami ah ay dowladda Soomaaliya ay la gashay heshiisyo Maalgashi oo kala duwan.
Waxaa uu sheegay in shirkadaha qaarkood ay dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah u joojisay ka dib markii ay fulin waayeen waxyaabihii looga baahnaa.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay marwalba wax saxdo.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in shirkad kaste oo aan ka shaqeynin danaha umada Soomaaliyeed in ay joojinayso dowladda Soomaaliya.
Shirkadda Gacanta ku haysa dekeda Muqdisho ayuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in dhawaan ay dib u eegi doonaan heshiiska ay kula jiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

