30.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Ajaanib dhowr ah oo lagu dilay dagaalka Qandala iyo dalalka ay kasoo jedan oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Dagaalka ka dhacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Maamulka ayaa sheegay in Dagaalka lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Daacishta Somalia oo Ajaanib ah kuwaasi oo garab u ahaa Wadaadka Kooxda Cabdulkhaadir Muumin.

Cabdi Axmed Xaashi oo ah Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dhankiisa ka xaqiijiyay in Dagaalka ay ku dileen Dagaalyahano Ajnabi ah.

Taliye Ku-xigeenka waxa uu sheegay in Dagaalyahaanada ay ku dileen Dagaalka ay kasoo kala jeedan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Waxa uu intaa ku daray in gacanta ay ku hayaan dhalashadooda wuxuuna cadeeyay inay jiraan dagaalyahaano kale oo ay soo bandhigi doonaan, sida uu hadalka u dhigay Taliye Ku-xigeenka.

Ciidamada Puntland ayaa Degmada Qandala si buuxda ula wareegay maalinimadii shalay waxaana iminka Degmada ku sugan Ciidamada Puntland qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News