29.4 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Galmudug oo si degdeg ah ugu yeertay Xildhibaanada cusub ee Cadaado lagu doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)- Amar goordhow kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa waxaa loogu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug.

Amarka kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka ayaa waxaa Xildhibaanada lagu faray in degdeg ay kusoo gaaran magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka.

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Xildhibaanada ay maanta kusoo xaroodan waxa uuna sheegay inaan la aqbali doonin cudur daar.

Waxa uu Carabeey sheegay in maalinta beri ah Magaalada Cadaado uu ka dhici doono kulan u dhexeyn doona maamulka iyo Xildhibaanada labada Aqal.

Amarka Madaxtooyada Maamulka ayaa imaanaya iyadoo kulan khaas ah Villa Somalia uu ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Galmudug C/Kariin Guuleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalinimadii shalay Hogaamiyayaasha Maamulada ka dalbada inay garab ku siyaan Doorashada dhawaan la filaayo in lagu doorto Madaxweyne cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News