Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga Hirgalinta doorashooyinka dadban ee maamulka Puntland ayaa dib u fasaxay doorashadii xubnaha ka haray Aqalka Hoose.
Guddigu waxay sheegeen in Ergooyinka beelaha dhimman ee aan wali xildhibaanadooda dooran looga baahan yahay inay si dhaqso ah ugu soo xaroodan magaalada Garoowe.
Guddiga ayaa sheegay in maalinta sabtida ah ee 10-ka December, si rasmi ah loo bilaabi doono Doorashada Xubnaha dhimman.
HALKAAN KA AKHRISO KURAASTA AY DOORASHADOODU DHIMAN TAHAY
Beesha Majeerteen
1-Cismaan Maxamuud :-Jifida Is Xul
2-Cumar Maxamuud :- Jifida Cabdi Ciise
Dhulbahante
1-Maxamuud Garaad:- Beesha Jaamac Siyaad
2-Baha-nugaaleed:- Beesha Xasan Ugaas


