Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Villa Somalia, ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaasi ay kulan aan caadi aheyn ku qaaten Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Galmudug C/kariin Gulleed.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxa ay uga wada hadleen Doorashooyinka Somalia, gaar ahaan kaalinta Xasan Sheekh ee ololaha Doorashooyinka Cadaado.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Gulleed ka dalbaday inuu ka dhabeeyo uruurinta Xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Cadaad ee xarunta Galmudug si ay ugu codeeyan.
Xasan Sheekh waxa uu C/kariin Gulleed usoo bandhigay cadadka Xildhibaano ee ilaa iyo hadda u suuragashay inay la furaan wadahadal, waxa uuna u cadeeyay inay u harsan tahay tiro kale oo u baahan in lagu buuxiyo kuwa ay wadahadalka la fureen.
Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale, Gulleed usoo bandhigay Rajo xumi uu kala kulmay Xildhibaanada lagu soo doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.
C/kariin Gulleed, ayaa isna Xasan Sheekh uga xog waramay halka uu marinaayo ololaha, waxa uuna u cadeeyay in Xildhibaanada badi uu kala hadlay Doorashada Madaxweynaha, gaar ahaan inay garabsiiyaan.
Gulleed waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso dadaalkooda waxa uuna tilmaamay inay u harsan tahay in kulan gaara uu la qaato gabi ahaan Xildhibaanada lagu soo doortay Cadaado, si ay u kala qaatan macluumaadka harsan.
C/kariin Gulleed ayaa dadaal xoogan ugu jira sida uu isugu xiri lahaa Madaxweyne Xasan iyo Xildhibaanada lagu soo doortay Cadaado.
Geesta kale, C/kariin Gulleed ayaa Madaxweyne Xasan ugu baaqay in mar uu soo gaaro Magaalada Cadaado si ay u wada kulmaan Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

