Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka dhacay Shirka Golaha Wasiirada maamulka, oo ay ku dhamaayen Golaha Wasiirada, waxaana shir Guddoominaayay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Wasaarada Amniga ayaa soo bandhigtay qorshaha tayaynta Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka oo ay kamid tahay kordhinta Mushaaradka iyo gunooyinka ay Askartu qaatan iyadoo Golahu uu ka dooday aristaas, waxaana la isku raacay in la kordhiyo mushaaradka ay qaatan Ciidamada gaar ahaan Hay’adaha amaanka iyadoo qorshahan loo gudbin doono Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.
Wasaaradaha kala ah Hawlaha guud iyo dib u dhiska, iyo Wasaarada Qorshaynta ayaa iyana soo gudbiyay qorshe hawleedka Sanadka Cusub ee inagu soo fooda leh si looga dodo inta uunan dhamaan sanadka 2016.
Sidoo kale Golaha waxaa ay soo bandhigeen waxyabaha laga yeelayo xubnaha Golaha ee Safarada ama socdaalada aan la qorshayn dalka kaga maqan iyadoo hab raaca Golaha uu qabo in xubin kamid ah Golaha Wasiiradu uuna maqnaan Karin Sadex kulan oo isku xiga hadii aysan jirin Hawlo shaqo oo uu Dowlada ugu maqan yahay ama arimo gaar ah.