25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Musuq-maasuq heerkii ugu sareeyay oo wali ka taagan Doorashada Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online )-Wasiir Dowlaha Xiriirka Baarlamaanka maamulka Galmudug Axmed Cali Mire Faafaale, ayaa si adag uga hadlay faragalinta lagu hayo Doorashada Aqalka Hoose ee ka socta magaalada Cadaado.

Wasiir Dowlaha Xiriirka Baarlamaanka Galmudug Axmed Cali Mire Faafaale ayaa sheegay in Musuq-maasuq ba’an lagu hayo Doorashada waxa uuna tilmaamay in Kuraasta ay tahay mid lagu dhiibo qaab musuq ah.

Waxa uu sheegay in awood looga maquuniyay kursigii uu u Tartamayay ee Beeshiisa, isla markaana lala baalmaray doorashada kursigaasi sharciga dhismaha Aqalka Hoose.

Musuqa lagu sameeyay kursigii uu u tartamayay ayuu sheegay inay mas’uul ka yihiin xubnaha Guddiga Doorashooyinka Galmudug.

Sidoo kale, Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Musharaxiinta Aqalka Hoose ee Ceyr Bari, balse Kursigii uu u Tartamayay lagu sameeyay Musuq Maasuq kii ugu Xumaa oo Shaqsi kale loo dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ergadii 51 aheyd ee uu Saxiixay Ugaaska Beeshooda gabi ahaantooda la bedelay, waxa uuna intaa ku daray in ergadaasi lagu soo bedelay ergo kale oo uusan garaneynin halka laga keenay.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka ayuu sheegay inay ku dhaqaaqen Cadaalad daro, waxa uuna Dowlada Somalia ugu baaqay inay wax ka qabato Musuq-maasuqa ay aasaaska iyaga u tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News