26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Afar siyaasi oo wada olole loogu magac daray “Abgaal Dambe Maya”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar siyaasi ayaa isku biirsaday olole siyaasadeed oo ka dhan ah beesha Mudullood, kaasi o ka socda gudaha dalka iyo heer caalamiba, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ololahan oo loogu magac daray “No More Abgaal”, ama “Abgaal Dambe Maya” ayaa waxaa hindisay Cumar Cabdirashiid, waxaana la wadaaga saddex siyaasi oo beesha Hawiye kasoo jeeda, sida aan xogta ku helnay.

Cabdiraxmaan Ceynte oo beesha Murusade ka dhashay, Cabdullaahi Sambaloolshe oo Xawaadle ah iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Habar-Gidir ah ayaa ugu sacaba tumaya Cumar Cabdirashiid qorshihiisa, ayaga oo aan fahamsaneyn sirta fog ee ka dambeysa.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu qorshahan u hindisay inuu ku hormariyo fursadda dib loogu soo dooran karo, maadaama siyaasiyiinta Mudullood ay yihiin kuwa kale ee ka hortaagan inuu xilka madaxweynaha kusoo baxo.

Waxa uu xildhibaano iyo beesha caalamka u sheegaya in maadaama Xasan Sheekh uu hoggaanka dalka ku fashilmay inay tahay in Abgaal dambe aysan madaxweyne dalka ka noqon, isaga oo wax uu hal shaqsi sameeyey ku calaamadeynaya beel dhan oo malaayin qof ay ka dhasheen.

“Cumar Cabdirashiid waxa uu wadaa siyaasad caqli xumo iyo maangaabni ku dhisan, waxaase igaga yaab badan kuwa Hawiye ee raacsan ee aan ogeyn inuusan Abgaal u dan lahayn ee Hawiye oo idil uu ula jeedo, waxaa ninkan ka buuxa waa naceyb qabyaaladeed oo meel xun gaaray” Waxaa sidaas yiri Cabdi Xasan Jimcaale oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho ku nool.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa laga yaabaa in maadaama uu musharax yahay inuu qorshahan sidaas ugu biiray, hase yeeshee Cabdiraxmaan Ceynte iyo Sambaloolshe waa laba shaqsi oo weligood lagu yaqaanay naceyb Abgaal, mana qarsadaan oo banaanka ayey soo dhigtaan, laakiin ma fahamsana in qabiil la necbaado aan meel lagu gaarin” Ayuu yiro Cabdi Xasan oo Caasimada Online kula hadlay Muqdisho.

Qorshahan ayaa intiisa badan ku fashilmay in beesha caalamka laga gado, ayada oo siyaasiyiintan loo sheegay in Xasan Sheekh aan Abgaal oo idil loo nisbeyn karin. Sidoo kale, xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee cusub ayaa badankood ku gacan seeray siyaasaddan qabyaaladeysan ee Muqdisho laga wado.

“Is-weydii, qof Muqdisho jooga oo dadkan la dhaqmay ma necbaan karaa. Xaqiiqda waxa ay tahay in maanta kuwan ay fadeexad dhex joogaan. Xasan Sheekh dhibka uu Mudullood gaarsiiyey cid uu gaarsiiyey ma jirto, marka in lagu callaamadeeyo ma dhaqan geli karto” ayuu yiri Cabdi Xasan Jimcaale.

Labadii madaxweyne ee ugu dambeeyey Soomaaliya ayaa Mudullood ahaa, waxaana hadda sharaxan musharaxiin Mudullood ah oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh, Maxamuud Tarsan, Shariif Ahmed, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Maxamed Cali Ameeriko iyo Cabdulqaadir Cosoble.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News