25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro Cadeyn ah: Ismiidaamintii maanta ka dhacday duleedka Muqdisho & Kaalinta Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Somalia, ayaa goordhow soo bandhigtay Sawirada Qaraxii maanta ka dhacay degaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sawirada ay Hay’adda soo bandhigtay ayaa waxaa la socday Taarikada ku xirneyd gaarigii is Qarxiyay taa oo aheyd Taariko laga leeyahay ”Somaliland”.

Taarikadaani laga isticmaalo deegaanada maamulka Somaliland, ayey Hay’addu sheegtay inay abuureyso micno kale.

Ninka weerarka fuliyay ayey sidoo kale, Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugnaa Koontaroolka uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in naftii haligaha uu ku hadlaayay hadalka Isaaqa, waxa ayna sidoo kale tilmaamen inuusan aqoon u laheyn goobta uu kusii jeeday.

- Advertisement -

Read more

Local News