Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug isku casilay Wasiir Ku-xigeenka Jaaliyadda iyo Maalgashiga maamul Goboleedka Galmudug C/salaan Ibraahin Faarax.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay inuu isku casilay Musuq-maasuqa ka taagan Doorashada Aqalka Hoose ee ka socta magaalada Cadaado.
Wasiir C/salaan Ibraahin, waxa uu tilmaamay in Doorashada maanta ka dhacday magaalada Cadaado ay tahay mid aan looga ganban Musuqa iyo nin jecleysiga.
Wasiir Ku-xigeenka iska Casilay Xukumadda Galmudug ayaa intaa ku daray in Kursigii Beeeshiisa la siiyay Beel kale oo aysan wax wada qeybsi ka dhaxeyn sida uu sheegay.
Is casilaaday Wasiir Ku-xigeenka Jaaliyadda iyo Maalgashiga, ayaa imaaneysa iyadoo maanta sidoo kale uu xilka Wasiirnimo iska casilay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Inta badan Wasiirada Xukuumada Galmudug ayaa xilkooda isaga casila Musuqa caadada u noqotay maamulka Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]