Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo magaalada Garoowe kulamo kala duwan kula qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Garoowe, ayaa kala hadlay Doorashada Madaxweyne ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Gaas, oo Xildhibaanada u qaabilay qeybqeyb ayaa waxa uu xusuusiyay in fooda ay nagu soo heyso Doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Gaas waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay inay ka fiirsadan halka ay codadkooda ku bixin doonaan, waxa uuna kula taliyay inay garab u noqdaan Musharaxiinta Daarood ee tartanka ugu jira qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.
Gaas waxa uu Xildhibaanada u sheegay inay wadaqaadan doonaan kulan aad u ballaaran, balse looga baahan yahay in doorashada ka hor ay kasii fiirsadaan cida ay u codeyn lahaayen.
Gaas, waxa uu Xildhibaanada u sheegay in Musharaxiinta loo baahan yahay inay codka siiyaan ay kamid yihiin Cumar C/rashiid, C/raxmaan Faroole iyo Mas’uuliyiin kale oo dhowr ah.
Madaxweyne Gaas waxa uu nasiib darro ku tilmaamay haddii ay dhacdo in Xildhibaanada lagu doortay Garoowe ay u codeeyan Musharax kale oo aysan la dooneynin xilka Madaxtinimo.
Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha Puntland uu garab boodaayo Musharaxiinta kasoo jeeda Beesha Daarood ee loolanka kula jira Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]