26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Shariif Xasan oo fariin cajiib ah u diray dowlada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Caasimadaha Gobolada dalka lagu soo gabagabeeyay Doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Hoose, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in DFS ee uu wakhtigeedu dhamaaday looga baahan yahay inay la imaado qorsho lagu sara qaadayo guusha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay inay dalacsiiso Saraakiisha ku howlanaa meelmarinta doorashooyinka.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in Guddiga ku howlanaa Doorashooyinka ay qabteen howlo farabadan oo waxtar u leh Bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

”Haddii shaqsiyaad lasiinaayo mudnaan waxaa mudan kuwa guusha ka gaaray doorashooyinka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose Koonfur Galbeed, waayo waxa ay astaan u noqdeen guul”

Shariif Xasan waxa uu Madaxweynaha Somalia u diray baaq ku aadan in mudnaan uu siiyo Guddiga Doorashooyinka, waxa uuna ku taliyay inaan lagu qancin af cidla ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee soo dhameeyay Doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News