Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegatay maalintii taariikhiga ahayd ee 1-da Luulyo oo ku beegan xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.
Madaxweynaha ayaa xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa waxaa gaarda ka ciyaar ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo bandhigay awooddooda iyo diyaar-garoow heer sare ah.
Sidoo kale munaasabadda dabaal-degga ayaa waxaa lagu soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaaradaha dagaalka, taasi oo muujisay horumarka ay dowladdu ka sameysay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isagoo ku baaqay in la adkeeyo midnimada, wadajirka iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka. Wuxuu sheegay in maalintan ay astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka iyo dadaalkii lagu mideeyay ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo leh hay’ado dowladeed oo xooggan iyo ciidan qaran oo awood u leh difaaca dalka iyo shacabka, isagoo shacabka ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan ilaalinta midnimada iyo horumarka qaranka.























