25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawir qosol badan oo looga careysiiyay Xasan iyo Damul-jadiid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu muujiyay Musuq-maasuqa Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia iyo Faragalinta Koooxda Damuljadiid.

Sawirka oo lagu muujinaaya Musuqa ayaa waxaa lagu muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo faraha kula jira Sanduuqa cod bixinta.

Sawirka lagu miisaalay Codeynta ayaa waxaa lagu muujiyay Warqadaha codka oo dhiig isku bedelay taa oo lagu muujiyay heerka uu musuqa gaarsiisan yahay.

Labiska Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale isku bedelay dhiig, waxa uuna micnuhu yahay Musuqa iyo nin jecleysiga lagu hayo xubnaha la dooran lahaa.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu aad uga carooday Sawirka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow.

- Advertisement -

Read more

Local News