25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

“Awood uu adeegsaday Mahad Salaad ayaan ku waayay kursigeyg” + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – General C/qaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) iyo haweeney lagu magacaabo Ayaan Daahir Canshuur oo labadooduba ka mid ahaa musharixiintii la tartameysay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, ayaa shir ay maanta ku qabten Muqdisho kaga hadlay doorashadii uu ku soo baxay Mahad Maxamed Salaad oo noqday Xildhibaankii u horeeyay ee ku so baxay doorashada Cadaado.

Doorashada kursigaas oo dhacday 10kii November ayaa waxay Guddiga Doorashada Galmudug ku dhawaaqeen in codad gaaraya 40 uu ku soo baxay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo ka mid ah dadka ay aadka isugu dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta Muqdisho maanta ku shiray waxa ay sheegeen in doorahsadaasi ay udhacday qaab aan sharci eheyn, waxey sheegeen in Madaxtooyada ay side doonto ka samaysatay Caasimadda KMG ah ee Galmudug.

General Subxaanyo, ayaa sheegay in awood dowladdeed Mahad Maxamed Salaad loogu gacan geliyay inuu ku fariisto kursiga guddiga doorashadana ay ahaayeen kuwa ay soo diyaarsatay Madaxtooyada Somaliya.

Subxaanyo ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira in isaga iyo Mahad Maxamed Salaad ay arintan si hoose isula fahmeen, waxaa kale oo uu sheegay inuusan wali aqbalin Natiijadii doorashada.

Cabashadooda ayuu sheegay in ay u gudbiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka, welina aysan wax war ah ka soo saarin, balse ay qabaan rajo ah in arrinkooda la xaliyo.

Dhinaca kale Ayaan Daahir Canshuur, afadii Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa iyana sheegtay in ciidamo uu watay Mahad Maxamed Salaad ay ka hor istaageen inay gudaha u gasho hawlkii ay ka socotay doorashada, mar dambena lagu wargaliyay in doorashadii dhacday.

Canab Xasan Cilmi oo ah Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka, ayaa ku soo baxday Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka socota Magaalada Garowe ee xarunta Mamaulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News