26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: R/W CC oo Garoowe ka bilaabay diiwaan gashiga xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo wali ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa Madaxda maamulka iyo Xildhibaanada cusub ee bedeli doona baarlamaanka hadda shaqeeya.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa kulamada ugu badan la qaadanaaya Xildhibaaada, waxaana lasoo warinayaa in iminka uu bilaabay diiwaan galinta Xildhibaanada cusub ee ka aqbalay wadahadalka uu la furay.

Ra’isul wasaare Cumar, ayaa sidoo kale Xildhibaanada harsan u ballanqaadaya inuu ka farxin doono, waxa uuna tilmaamay inuu mudan yahay in lasiiyo kalsoonida.

”Waan u mahadcelinayaa kuwa garabka isiiyay, waxaan sidoo kale kuwa aan wali ku qancin wadahadalka ugu baaqayaa inay garab ii noqdaan waayo wax ka fiican wadahadal iyo is afgarad ma jiro”

Sharmaarke ayaa Xildhibaanada aan usoo jilcin u sheegay inaanu jirin cid isaga kaga dhow Kursiga uu iminka ku fadhiyo Xasan Sheekh, waxa uuna ku taliyay in lagu soo feelo Xildhibaanada isaga taabacsan.

Docda kale, Ra’isul wasaare Cumar ayaa lagu wadaa in mar kale uu kulan guud la qaato Xildhibaanada uu iminka diiwaan galintooda wado.

CaasimadaOnline
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News