26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Liiska xildhibaanada labada Aqal ee liiska laga saari doono iyo maamulada laga soo doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasmada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xubno ka tirsan Guddiga doorashada dadban ee Somalia, ayaa sheegay in maalmaha soo socda Liiska Xildhibaanada labada Aqal laga saari doono Xubnaha uu khilaafka ka taagan yahay doorashadooda.

Xubnaha Guddiga ee aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegay in Xubnaha Liiska Xildhibaanada laga saari doono ay kamid noqon doonaan dhammaan Maamul Goboleedyada dalka ee Doorashada qabtay.

Guddiga Doorashadda dadban ee heer Federaal, ayaa lagu wadaa inay soo saaran Liiska Xildhibaanada Labada Aqal ee laga saari doono Liiska, waxaana lagu wadaa in Xubnahaasi dib loogu celin doono Doorashada ama bedel lagu sameeyo.

Xubnaha aan xogta la wadaagnay ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaanada Kuraastooda uu muranka kataagan yahay ee Liiska laga saari doono ay badi Baarlamaanka kasoo galeen dhanka maamulka K/galbeed.

Shaxda Maamulada la filaayo in Xildhibaanada uu muranka ka taagan yahay laga saaro Liiska ayaa kala ah:

1-Maamulka Koonfur galbeed waxaa Liiska labada Aqal laga saari doonaa 11-xubnood.

2-Maamulka Puntland waxaa Liiska labada Aqal laga saari doonaa 4-xubnood.

3-Maamulka Galmudug waxaa Liiska labada Aqal laga saari doonaa 3-xubnood.

4-Maamulka Hirshabelle waxaa Liiska labada Aqal laga saari doonaa 3-xubnood.

5-Maamulka Jubbaland waxaa Liiska labada Aqal laga saari doonaa 2-xubnood.

Tiradda Xildhibaanada labada Aqal ee Liiska laga saari doono ayaa waxaa laga yaabaa in cadadka kor ku qoran ay kasii bataan.

Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News