Jowhar (Caasimada Online) – Ugu yaraan 60% xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle ee Soomaaliya ayaa ah kuwa aan wax qorin waxna aqrin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha mamaulkaas.
“60% xildhibaanada la doortay waxna ma qori karaan, mana aqrin karaan” ayuu yiri Cali Galad, oo la hadlay idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.
Tirada xad dhaafka ah ee xildhibaanada umiga ah ayaa sabab looga dhigay waqtiga oo aad u yaraa markii la dooranayey xildhibaanada cusub.
“Waxaa la haystay oo kaliya saddex maalmood si dhammaan xildhibaanada loo doorto. Inta badan xildhibaanada la doortay waxay ahaayeen askar ama darawallo aan weligood iskuul cag dhigin” ayuu yiri Cali Galad.
Galad ayaa arrintan ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxman Odawaa oo wax kasta boobsiis iyo dantooda ku sameeyey.
Inkasta oo Hirshabelle ay ku jiraan 60% xildhibaano aan wax qorin waxna aqrin, ayaa haddana waxaa tani la rumeysan yahay inaysan ku koobneyn maamulkaas kaliya.
Waxaa la rumeysan yahay in xitaa xidlhibaano badan oo ku jira baarlamanka federaalka ay sidoo kale yihiin kuwa aan weligood iskuul dhigan
Haddii arrinta sarkaalkan uu shaaca ka qaaday ay dhab tahay, waxay ku tuseysaa ayaandarrada haysata Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]