Beledweyne(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad ka taagan tahay degmadaasi.
Xiisadaasi oo ah tii ugu horeysay ee ka dhextaagan maamulada HirShabeele iyo Ahlu sunna ayaa abuurtay cabsi soo wajahda shacabka ku nool degmada Matabaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisada ka dambeysay kadib markii maamulka Ahlu sunna ay ciidamo badan soo dhoobeen degmada iyo duleedka degmadaasi.
Ciidamo taabacsan Maamulka Ahlu sunna ayaa ka taliya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, balse maamulka HirShabeele ayaa wada qorshe uu kula wareegayo degmadaasi.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in xiisad ka jirtodegmada, labada maamulna ciidamo ay geeyeen duleedyada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
[email protected]

