26.8 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Halkee loo waday khamrigii badnaa ee lagu qabtay Garowe (Daawo Sawiro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska ee maamulka Puntland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen qamri aad u badan.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay sheegeen iney kusoo qabteen 12 kartoon oo qamri ah iyo shan ruux oo waday.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay iney qabteen rag ka ganacsada qamriga oo geyn jiray magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Taliyaha booliska qeybta gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Awxuseen(Xinjara-dhuuq) ayaa sheegay in ciidanku ay ku guuleysteen howlgalka gaarka ah oo ay ka sameeyeen Garoowe kuna soo qabteen Khamriga iyo dadkii watay.

Khamriga ayaa la doonayay in lagu iibiyo magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

- Advertisement -

Read more

Local News