Kismaayo (Caasimada Online) – C/qaadir Cosoble Cali oo siweyn loo hadal hayo musharaxnimadiisa ayaa u daba maray Xasan Sheikh magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Cosoble ayaa kamid noqonaya musharixiin badan oo tagay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo dhamaantood balanqaadyo kala duwan kala kulmay Axmed Madoobe.
C/qaadir Cosoble ayaa dhankiisa sameeyay talaabadii ay mareen musharixiintii kaga horeysay magaalada, wuxuuna qado sharaf u sameeyay xildhibaanada labada aqalka, isagoo u gudbiyay danta uu ka leeyahay.
Cosoble ayaa ka mid ah musharixiinta sida weyn kaga soo horjeedo Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna doonayaa inuu talada dalka qabtaa.
Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid,C/raxmaan C/shakuur, Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo C/qaadir Cosoble oo musharixiin ah ayaa tagay Kismaayo, waxaana mid kastaa balanqaad u sameeyay xildhibaanada codka dhiibanaya.
Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]