Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa si cad u qaadacay in Liiska 11 Xubnood laga reebo Xubnaha kale ee garabka u ah Xasan Sheekh Maxamuud ee qaabka Musuq-maasuqa lagu doortay.
Michael Keating, ayaa sheegay in Liiska 11 Xubnood oo ay soo xuleen Guddiga Khilaafaadka doorashooyinka uu yahay mid xaaran ah, waxa uuna qiray in Liiskaasi uu yahay mid lagu qarinaayo kan Xubnaha Xasan Sheekh.
Michael Keating, waxa uu sheegay in Musuq-maasuqa doorashada uu bilowday xiliga la dooranaayay Xubnaha ka shaqeeya Madaxtooyada Somalia ee saaxiibka u ah Xasan Sheekh, waxa uuna farta ku goday in wixii intaa ka danbeeyay Musuqa doorashada ay caado noqotay.
”Haddii la aqbalaayo xubno lagu doortay qaab musuq-maasuq ah waxan aqbaleynaa 11 Xubnood ee laga saaray Liiska Xildhibaanada, waayo kuwa aan dooneyno waa kuwa ka howlgala Madaxtooyada Somalia ee aan Liiska lagu soo darin”
Michael Keating, waxa uu cadeeyay in Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kan Khilaafaadka ay yihiin kuwo ay ku yartahay cadaalada.
Sidoo kale, Madaxtooyada Somalia ayuu sheegay inay ka fogaatay Cadaalada, waxa uuna ku dhaliilay inay soo gudbin waayen xubnaha ka howlgala ee lagu soo doortay Musuq-maasuq.
Dhinaca kale, Michael Keating ayaa ku baaqay in lasoo gudbiyo gabi ahaan Xubnaha lagu soo doortay Musuqa oo uu sheegay inay hayaan Liiskooda saxda ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

