Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa sheegay in madaxda Galmudug ay jibiyeen dastuurka maamulkaasi.
Xildhibaanada ayaa sheegaya in maanta magaalada Cadaado iyo deegaanada Galmudug ineysan jirin masuul sare oo laga amar qaato.
Waxay xildhibaanada sheegeen in dastuurka maamulkaasi dhigayo in afarta masuul ee ugu sareyso maamulka aysan ka maqnaan karin midkood deegaanada Galmudug si amarkiisa loogu shaqeeyo.
Afarta ayaa kala ah madaxweynaha , kuxigeenka madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana la sheegayaa iney ka wada maqan yihiin magaalada Cadaado.
Waxaa ay ku baaqeen Xildhibaanada in Baarlamaanka Galmudug uu badbaadiyo Ummadda Reer Galmudug oo Kulan aan Caadi aheyn ay isugu yimaadaan.
Masuuliyiinta Galmudug ayaa ku biiray qaarkood olalaha doorashooyinka ee ka socdo magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

