25.3 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

NATO oo go’aan ka qaadatay howlgalka ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa go’aan kasoo saaray howlgalkoodii.

Saraakiisha u hadashay NATO ayaa sheegay iney gabi ahaanba joojiyeen howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda oo ay ka wadeen badweynta INDIA.

Sababta loo joojiyay ayaa saraakiisha waxay ku sheegeen iney ugu wacan tahay dhanka dhaqaalaha.

Saraakiisha waxay sheegeen in  sidoo kale hoos u dhac laga dareemay weeraradii kooxaha burad badeeda ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Dalalka Xubnaha ka ah NATO ayaa lagu wadaa in ay sii wadaan howlgalka, waxaana jira cabsi ku aadan in ay dib u soo laabtaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Howlgalkaan oo Muddo dhowr sano ah ka shaqeynayay biyaha Soomaaliya ayaa hadda u Muuqda in uu soo Afjarmi rabo bilaha Soo socda sida ay sheegtay Afhayeenka howgalka NATO.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News