Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid uu la kulmay Fadeexad kadib markii dukumiintiyo been abuur ah oo laga sameeyay Madaxweynaha dalka uu u gudbiyay Wakiilada Beesha Caalamka.
Dukumiintiga been abuurka ah ee uu gudbiyay Cumar C/rashiid ayaa waxaa laga sameeyay in Madaxweyne Xasan uu Musuqay lacag dhan 16 Milyan oo dhawaan loogu deeqay Dowalada.
Dukumiintiga loo gudbiyay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu qeexay in Madaxweyne Xasan uu dhaqaalahaasi u adeegsanaayo Doorashada Madaxweyninimo ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Somalia.
Dukumiintiga laga sameeyay Xasan Sheekh oo loo kala qeybiyay Wakiilada ayaa waxaa la xaqiijiyay in baaritaan kadib la ogaaday in dukumiintigaasi uu yahay mid been abuur ah oo lagu soo sameeyay magaalada Garoowe.
Sidoo kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa dukumiintigaasi ku qarinaayay tuhun la xiriira lacago leysdaba mariyay waxaana iminka socda baaritaan cusub oo lagu hayo Ra’isul wasaaraha qudhiisa.
Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa baaritaanka ku ogaatay qaababka loo isticmaalay lacagta been abuurka ah ee laga sameeyay Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

