Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada aqalka hoose ee xubnaha kasoo jeeda gobolada Waqooyi {Somaliland} ayaa maanta ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska, iyadoo illaa lix xildhibaan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Haween lagu doortay.
Doorashadaan ayaa kuwii horay ugu duwaneyd, maadaama mid ka mid ah kuraastaasi ay ku tartamayeen labo nin oo walaalo ah iyo in 18 cod mar kaliya halaabeen.
Kursiga Beesha Ciise/Walaaldoon ayaa noqday kan ugu yaabka badan, waxaana ku tartamayay labo walaalo oo kala ahaa C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge.
Xildhibaanada ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose
1-Cusmaan Cilmi Boqore (Ciise Dalol-Haroone)
2-C/raxmaan Axmed Suge (Ciise Dalol -Walaaldoon)
3-Ismaaciil C/Raxmann Sheekh (Habar Jeclo-Maxamed Obokor)
4-Faadumo Ismaaciil Xuseen (Habar Yoonis-Sacad)
5-Suuri Diiriye Carab (Habar Jeclo-Maxamed Obokor)
6-Khadro Maxamed Dukaale (Ciise Dalol-Furlabe)
Xubnaha kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa inta la doortay ay dhan yihiin 25 Mudane, waxaaa harsan 21 xildhibaan.






