Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ku kulmay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Ku-simaha Safaarada Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya iyo Wafdi oo ka socday Wasaarada Arrimaha Dibadda dalkaasi.
Kulanka oo ahaa mid uu Albaabada u xiran yahay ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Safaarada Imaaraadka ee Muqdisho waxaana looga hadlaayay arrimo dhowr ah oo khuseeya Doorashada Somalia.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo hadalqaaday wadahadalka dhawaan C/wali Gaas, Cumar C/rashiid iyo Imaaraadka ku dhexmaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Madaxweynaha maamulka ayaa Safiir xigeenka iyo Wafdiga sharaxaad kasiiyay qaabka uu u socdo Doorashada, Ololaha iyo Muranka ka taagan Xubnaha 11-ka ee laga saaray Liiska Xildhibaanada Cusub.
Gaas waxa uu Safiir xigeenka iyo Wafdiga u xaqiijiyay in Doorashada Madaxweynaha ee lagu ballamay 28 Decembar 2016 ay dib u dhacday, waxa uuna sidoo kale u xaqiijiyay in Madaxtooyada Somalia ay kasoo horjeedo in si nidaam ah loo xaliyo muranta ka taagan Kuraasta qaar.
Waxa uu sheegay in Madaxtooyada Somalia ay sidoo kale diidan tahay in Xubnaha la tuhunsan yahay ee ka tirsan Madaxtooyada Somalia laga saaro Liiska Xildhibaanada cusub.
C/wali Gaas waxa uu sidoo kale Wafdiga Imaaraadka u cadeeyay in Khilaaf muuqda uu ka dhextaagan yahay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha dalka kaa oo ka dhashay loolanka Doorashada.
C/wali Gaas, waxa uu Wafdiga u xaqiijiyay in lagu guda jiro wakhtiga Doorashada loona baahan yahay inay muujiyaan kalsoonida ay siinayaan Ra’isul wasaaraha dalka ahna Musharax Madaxweyne.


