Mqudisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya inay bilaabaan geeddi-socod loo dhan yahay oo nabdoon si heshiis siyaasadeed looga gaaro ajandaha doorashooyinka dalka, xilli uu sii kordhayo khilaafka ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka, waqtiga doorashooyinka, iyo qorshaha dalka loogu rarayo nidaamka qof iyo cod.
Baaqan ayaa yimid kadib Shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo 10-kii bishan May lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo ku salaysnaa heshiiska loo yaqaan ‘Samoa Agreement’.
Kulankan ayaa dhexmaray mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta Midowga Yurub, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha maamul wanaagga, amniga, socdaalka, iyo iskaashiga dhaqaalaha.
War-saxaafadeed si wadajir ah loo soo saaray ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay Midowga Yurub la wadaagtay warbixin ku saabsan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo “wada-hadallada muhiimka ah ee xilligan socda” ee lala yeelanayo madaxda iyo hay’adaha siyaasadda, kaas oo salka ku haya tallaabooyinka xiga ee ajandaha doorashada.
Dhankiisa, Midowga Yurub ayaa caddeeyay inuu rajeynayo in “maalmaha soo socda” la bixiyo dhammaan dadaallada lagu bilaabayo geeddi-socod loo dhan yahay oo nabdoon, kaas oo ujeedkiisu yahay in heshiis siyaasadeed la gaaro, lana xaqiijiyo xasiloonida guud ahaan Soomaaliya.
Khilaafka doorashada
Bayaankan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay wajaheyso dhaleeceyn xooggan oo uga imaneysa dhanka mucaaradka, taas oo ku aaddan marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Dowladda federaalka ayaa ku doodeysa in doorashooyin toos ah loo baahan yahay si Soomaaliya ay uga gudubto nidaamka dadban ee ku saleysan qabiilka, kaas oo tobanaan sano xuddun u ahaa siyaasadda qaranka.
Hase yeeshee, xubnaha mucaaradka ayaa aaminsan in xilliga kala-guurka uu noqdo mid ku dhisan wadar-ogol ballaaran, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay si keli-talisnimo ah u riixeyso qorshaheeda.
Waxay sidoo kale ku doodayaan in nidaamka doorashada guud ee qof iyo cod uusan xilligan ka hirgeli karin Soomaaliya, sababo la xiriira amni-darro, hay’ado daciif ah, iyo khilaafyo aan weli xal laga gaarin oo dowladda kala dhexeeya qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.
Dowladda ayaa diidday doodaas, iyadoo ku adkeysaneysa in doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo maamulka Koonfur Galbeed ay muujiyeen in codbixin toos ah dalka laga qaban karo.
Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, Soomaaliya ayaa doorasho deegaan oo muran dhaliyay ka qabatay magaalada Muqdisho, taas oo lagu tilmaamay tii ugu horreysay ee qof iyo cod ah ee caasimadda ka dhacda tan iyo sanadkii 1969-kii.
In ka badan 900,000 oo codbixiyeyaal ah ayaa laga diiwaangeliyay 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, balse xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay nidaamkaas, iyagoo ku tilmaamay mid isdaba-marin ay hareysay oo hal dhinac u janjeera.
Khilaafkan ayaa waxaa sidoo kale sii huriyay isbeddelladii lagu sameeyay dastuurka ee uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay horraantii sanadkan.
Wax-ka-beddelka ayaa sii xoojiyay dooda ku saabsan waqtiga doorashooyinka qaranka, wuxuuna mucaaradka ku abuuray cabsi ah in geeddi-socodkan uu muddo-kororsi u horseedi karo madaxweynaha ama uu awoodda oo dhan isugu geyn karo madaxtooyada.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa dhankooda sheegaya in is-beddelladan ay lagama maarmaan u yihiin in la soo gabagabeeyo dib-u-eegistii dastuurka ee mudada dheer dib u dhacday, isla markaana la dhiso nidaam siyaasadeed oo lala xisaabtami karo.
Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2012-kii ku shaqeyneysay dastuur kumeel gaar ah, isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu dhammeystiro dukumiintigaasna waxay bannaanka soo dhigeen xiisado qoto dheer oo u dhexeeya dowladda federaalka, maamul-goboleedyada, iyo kooxaha mucaaradka.
Iskaashiga Midowga Yurub
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ku tilmaamay saaxiib muhiim ah, wuxuuna xusay in wada-hadalladan ay dib u xaqiijiyeen danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Brussels.
Wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, waxaana qayb ka ahaa wasiirrada difaaca, caddaaladda, amniga gudaha, maaliyadda, qorsheynta, iyo ganacsiga.
Dhanka Midowga Yurub, waxaa wafdiga hoggaamineysay Danjire Francesca Di Mauro, iyadoo ay wehliyeen safiirro iyo wakiillo ka kala socday dalalka Belgium, Denmark, Finland, Germany, Italy, Netherlands, Poland, Spain, iyo Sweden.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale looga arrinsaday iskaashiga amniga, socdaalka, maamulka dhaqaalaha, iyo barnaamijka Midowga Yurub ee loo yaqaan ‘Global Gateway’.
Midowga Yurub ayaa sheegay in maqaamka amniga ee Soomaaliya uu yahay mid leh muhiimad istaraatiijiyadeed, maadaama uu dalku dhaco isgoyska waddooyinka badda ee isku xira qaaradaha Aasiya iyo Yurub.
Waxay sidoo kale dib u xaqiijiyeen taageeradooda ku aaddan la-dagaallanka argagixisada ee iyagoo sii maraya Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo dadaallada lagu xoojinayo tayada ciidamada amniga Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, qaybta siyaasadda ee war-saxaafadeedkan ayaa la filayaa inay soo jiidato dareenka ugu badan ee Muqdisho, halkaas oo dowladda iyo mucaaradkaba uu saaran yahay cadaadis xooggan oo ku aaddan sidii ay uga fogaan lahaayeen is-mari-waa daba-dheeraada.

