25 C
Mogadishu
Monday, January 12, 2026

Sawirro: Safiirka Ruushka ee magaalada Ankara oo Toogasho lagu dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online)-Nin la sheegay inuu hubeysnaa ayaa Toogasho ku dilay Safiirka Ruushka ee magaalada Ankara, Andrei Karlov.

Toogashada Safiirka ayaa dhacday xili uu booqanaayay matxaf sawirro lagu soo bandhigay oo ku yaalla magaalo madaxda Turkiga.

Safiirka oo si darran loogu dhaawacay weerarka, ayaa waxaa loola cararay Isbitaal hayeeshee waxa uu markii ugu danbeysay u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha.

Ninka dilka fuliyay ayaa waxaa la sheegayaa in isna ay toogteen Ciidamada Booliska.

Warbaahinta Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in dhowr qof oo kale lagu dhaawacay weerarka lagu qaaday Andrei Karlov.

- Advertisement -

Read more

Local News