25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Putin oo mar qura isbedelay markii uu dul istaagay Meydka Danjire Andrei Karlov

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Moscow ee Caasimadda dalka Ruushka baroordiiq loogu sameeyay Danjirihii Ruushka ee Wadanka Turkiga, Andrei Karlov.

Baroordiiqa maanta ka dhacay Moscow, ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Ruushka, Vldamir Puntin iyo xubno ka tirsan Golayaashiisa, oo ay wehliyaan Saraakiil sar sare.

Baroordiiqa ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana sidoo kale Goobta ku sugnaa qoyska uu kasoo jeeday Danjire Andrei Karlov.

Vldamir Puntin, ayaa Meydka Danjiraha duldhigay Ubax waxa uuna halkaasi ka sheegay in dilka Danjiraha uu yahay mid lagu burburinaayo calaaqada labada dal.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa isna falka lagu dilay Danjiraha ku macneeyay, shirqool ay soo abaabushay koox taabacsan wadaadka Fethullah Gülen.

- Advertisement -

Read more

Local News