28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Nin toorey ku dilay nin kale oo ciyaarta turubka ay ku murmeen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowlada qabteen ruux dil ka geystay deegaanka Garasbaaleey.

Maamulka deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamada qabteen ruux toorey ku diley nin kale oo ay ku murmeen ciyaarista Turubka, sida maamulka deegaanka uu sheegay.

Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ah gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ayaa xaqiijiyay in ciidamada deegaanka ay soo qabteen ruuxii falka dilka geystay.

Ciidanka Ammaanka ayuu sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka.

Ugu dambeeyay waxaa uu xusay in labada ninba ay ka mid ahaayeen dadka Barakacayaasha ah ee kunool degaanka Garasbaaleey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News