27.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Musharaxiintee buuxin kara xujada 20-ka xildhibaan iyo $30,000 (CC vs Tarsan)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Qaran ayaa dhowaan isku raacay laba shardi oo aad u adag, kuwaasi oo laga doonayo musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya inay buuxiyaan si ay tartanka uga qeyb galaan. Waxaa labaad shardi ay kala yihiin:-

1 – In musharaxa uu bixiyo lacag 30,000 oo dollar oo diwaan gelin ah.

2- Inuu haysto taageerada labaatan xildhibaan oo saxiixa inay codkooda siinayaan, ayada oo halkii xildhibaan loo ogol yahay kaliya inuu hal musharax u saxiixo taageero.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay in lagu kala yareeyo musharaxiinta lagana soo reebo kaliya musharaxiinta tartanka uu dhabta ka yahay, meeshana laga saaro kuwa magac doonka un ah.

Haddaba Caasimada Online ayaa maalmihii u dambeysay ururineysay xog ku saabsan heerka taageerada musharaxiinta, si an u ogaano musharaxiinta buuxin kara shardigan iyo kuwa meesha ka bixi doona. Waxaan maalinkasta Insha Allah idiin soo gudbin doonaa Laba musharax oo mid aan u aragno inuu sharidgan buuxin karo iyo mid aan isleenahay way ku adag tahay.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke: Waa ra’iisul wasaaraha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya, waxaana hadda uu muuqda mid rajadiisa ay ka badan tahay sidii marka hore la filayey.

Dad badan ayey la yaab ku noqotay in Cumar uu haweysto madaxtinimada dalka, maadaama uu ahaa ninkii badda Soomaaliya ka iibiyey Kenya, hase yeeshee Soomaaliya ayaa ah meel kuwa ugu liita uguna qaa’inimada badan lagu abaal mariyo.

Marka ay noqoto 30-ka kun ee dollar ee diiwaan gelinta, waxba kuma ahan Cumar Cabdirashiid, oo waxa uu haystaa malaayiin dollar oo isugu jira lacag ka hartay iibkii badda Soomaaliya, lacag uu dhacay intii uu xukunka hayey iyo lacag ay Imaaraadka Carabta horey u siiyeen ka hor inta aysan u gaabin xiriirka.

Waxa uu Imaaraadka kula heshiiyey in dalka Soomaaliya laga saaro walaalka Turkiga ee sida aadka ah u caawiyey Soomaalida, isaga oo ka xun horumarka iyo waxqabadka Turkiga ee Muqdisho, waana nin wax walba u sameynaya lacag darteed.

Marka ay noqoto 20-ka xildhibaan ee laga doonayo, hadiiba ay dhab noqoto, waxaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada in ka badan labaatan xildhibaan, kuwaasi oo badankood ah kuwo ku beel ah.

Cumar ayaa haysta taageerada madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas, wuxuuna hadda u muuqda nin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gelin kara loolan adag.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan: Waa guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho. Tarsan waa nin hadal badan oo inta badan wararkiisa aysan ka bixin warbaahinta, hase yeeshee fiicnaan lahaydee, haddii hadal uu wax qabad noqon karo.

Tarsan, waa nin ay jecel yihiin musharaxiinta iyo dadka siyaasadda u dhoon daloola, sababta oo ah hadalladiisa oo ah kuwa inta badan taabta meel xun, xikmad leh, ayna sahlan tahay in la xusuusto ama lagu qoslo.

Marka ay noqoto 30-ka kun ee dollar ee diiwaan gelinta, waxay u muuqdaa in Tarsan uu heli karo, asaga oo weli wax ka haysta lacagtii uu gobolka ka qabsaday, hase yeeshee waxaan caddeyn inuu bixinayo lacagtaas, maadaama ay cadahay inuusan doorashada ku guuleysan karin.

Marka ay noqoto labaatan-ka xildhibaan ee laga doonayo musharaxiinta, Caasimada Online waxa ay ogtahay in Tarsan uusan heli karin taageerada labaatan musharax iyo wax ku dhow.

Caasimada Online waxay qiyaaseysaa in ugu badnaan Tarsan uu heli karo taageerada saddex illaa shan xildhibaan, kuwaas oo uu ka heli karo beesha uu kasoo jeedo. Sidaas darteed Tarsan uma muuqdo inuu buuxin karo shuruudda labaatan-ka xildhibaan, haddii si rasmi ah loo dhaqan geliyo.

La soco qeybta saddexaadberri Insha Allah iyo laba musharax oo kale

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News