Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu kordhiyey 18 kursi oo dheeri ah, sida ku cad war-murtiyeed kasoo baxay xubnaha Madasha Qaran, oo soo gaaray Caasimada Online.
Aqalka oo markii hore ka koobnaa 54 kursi ayaa iminka noqonaya 72 kursi, waxaana 18-ka kursi ee cusub si siman oo min saddex kursi ah loogu daray dhammaan maamul goboleedyada iyo gobollada Waqooyi.
Waxaa arrin la yaab leh ah in madaxweynaha iyo xubnaha madasha ay mar kale iska indho tireen xuquuqda gobolka Banaadir.
Qodobka afaraad ee war-murtiyeedka ee u quseeya kordhinta Aqalka Sare, ayaa u qornaa sidan:-
4. Dib-u-eegista Qoondaynta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
4.1 MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.
4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxaana loo qaybiyey sida soo socota:
Magaca——Tiro hore—-lagu daray—Wadar
1. Somaliland: 11 kursi +3 kursi 14
2. Puntland: 11 kursi +3 kursi 14
3. Galmudug: 8 kursi +3 kursi 11
4. Hirshabelle: 8 kursi +3 kursi 11
5. K/Galbeed: 8 kursi +3 kursi 11
6. Jubbaland: 8 kursi +3 kursi 11
Wadarta———-54——–18————72
4.3 Sidded iyo tabanka Kursi ee la kordhiyey waxaa soo magacabaya Madaxweynayaasha Dawladaha Goboleedyada, waxaana Xeer Madaxweyne ku soo saaraya Madaxweynaha Jumhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha MHQ.
4.4 Madaxda Madasha Qaranku waxay soo dhoweynaysaa baaqa siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ee la xiriira in hay’adaha dawladda ee dhismaya 2016-2020 xil weyn iska saaraan oo mudnaanta koowaad la siiyo ka miro dhalinta wadahadalada u socda Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyo in laga wada xaajoodo saami qaybsiga awoodaha siyaasadeed.
4.5 Saddaxda kursi ee loo kordhiyey Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaliland waxaa soo magacaabaya R/Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo la tashaday Odayaasha Dhaqanka Beelaha Samaroon, Ciise iyo Fiqi-Shinni.
4.6 Madaxweynayaash Dawladaha Goboleedyada iyo R/Wasaare ku-Xigeenkuba waa in ay xubnaha ay soo magacaabeen usoo gudbinaya Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu dambayn 28 Diseembar 2016.
4.7 Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban iyo Guddiga Fulinta Doorashooada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaaliland waxaa la faraya in ay si degdeg ah u dhammaystiraan ugu dambaym 30-ka Diseembar 2016.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

