Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diidan inuu si rasmi ah ugu dhowaaqo inuu ka tanaasulay xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu u sharxan yahay.
Shariif Xasan oo dhawaan looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu amray inuu muujiyo Tanaasul dhanka Musharaxnimadiisa ah, taasi oo la sheegay inuu aqbalay.
Si kastaba, Shariifka oo dowladda Ethiopia ay ka sugeysay inuu go’aankiisa si rasmi ah ugu dhawaaqo una sheego umadda Soomaaliyeed, ayaan weli arrintaas shaacin.
Shariif Xasan ayaa waxaa looga fadhiyaa go’aan ka gaarista tanaasulka waxaana la tilmaamay in dowladda Ethiopia ay siiyay muddo 10 Casho ah inuu ku cadeeyo go’aankiisa.
Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Koofur Galbeed oo u warramayay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho ayaa shaki geliyey in Shariif Xasan uu tanaasuli doono.
Cabdullaahi Sheekh, ayaa sheegay in uu wax ka wado Ololaha Shariif Xasan Islamarkaana uusan Shariifka tanaasuli doonin.
Dowladda Ethiopia ayaa caddeysay in habka awood qeybsiga Soomaaliya uu sii ahaado sida iminka uu yahay, oo beelaha Hawiye iyo Daarood ay kala qaataan madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, halka beesha Digil iyo Mirifle ay sii hayn doonto xilka guddoomiyaha baarlamanka.
Ma cadda go’aanka uu Shariif Xasan la wadaagi doono Dowlada Ethiopia, maadaama lasiiyay fursad 10 cisho ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]