27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Waa imisa jir gabadha ugu da’da yar baarlamaanka, horeyse xil ma uqabatay? (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraam Aadan Absuge, waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, waxayna noqotay gabadha ugu da’da yar xildhibaanadii shalay la dhaariyay.

Ikraam Aadan, waxay baarlamaanka kasoo gashay doorasho ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Da’deeda waxay ku sheegtay iney tahay 26 sano jir, waxayna cadeysan in waligeed aysan horey xil usoo qaban, kadib markii wareysi ay siisay BBC-da.

Ikraam, waxay sheegtay inay dooneyso in wax badan ay kusoo kordhisaa baarlamaanka iyo siyaasada Soomaaliya, maadaama waqtigan fursad fiican la siiyay dhalinyarada.

Waxay sidoo kale sheegtay in wax dhibaato ama caqabad ah ineysan kala kulmin xilkan marka ay raadineysay, islamarkaana dadka ay kasoo jeedo ay la jeclesyteen xilka.

Horey waxay sheegtay iney Arday aheyd oo kuliyada maamulka iyo maareynta ay baratay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News