MUqdisho (Caasimada Online) – Lix ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay inuu soo farageliyo Doorashooyinka Soomaaliya.
Qoraal ay wadajir u soo saareen Musharixiintan ayay uga hor yimaadeen go’aankii Madasha Qaran ee lagu kordhiyay xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxayna ka digeen in arrintaasi qas iyo dagaal keeni karto.
Xubnaha Madasha ayaa horey u sheegay inay 18 kursi ku kordhiyeen aqalka sare oo ay ka dhigeen 72 kursi, halka markii hore uu ka ahaa 54 kursi.