Muqdisho (Caasimada Online) – War deg deg ah oo iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in shahaadooyinka aqoonsiga xildhibaano la siiyey qaar ka mid ah xubnihii horey guddiga xalinta khilaafkaadka ay u sheegeen in la laalay doorashadooda.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in lix ka mid ah xubnaha oo gaarayey 11 la siiyey shahaadooyinkooda, islamarkaana iminka ay yihiin xildhibaano rasmi ah.
Caasimada Online waxa ay si gaar ah u aragtay shahaadada Maxamed Axmed Abtidoon oo loo yaqaan Abtidoon Yare, oo ka mid ahaa xubnahaas.
Abtidoon Yare ayaa kusoo baxay kursi beesha Gaabane ee Saleebaan/Habar-Gidir oo ay ku haysatay Caasho Xaaji Cilmi oo markii dambe tartanka ka hartay, kadib markii ay ogaatay in Abtidoon uu haystay inta badan taageerada ergada beesha.
Ka sokow Abtidoon, Caasimada Online waxay xaqiijin kartaa in shahaadada la siiyey lix xildhibaan oo kale, ayada oo la diiday kaliya shanti xildhibaan ee xubnaha madasha ay ku baaqeen in lagu noqdo doorashadooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]