Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii ugu dambeysay sanadkii 2016 waxaa gudaha madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxay ruuxii ka dambeeyay dilka taliye ku xigeenka , waxaana la sheegayaa in ciidamada xooga dalka ay gacanta ku dhigeen.
Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay qabteen ruuxaasi, balse lama sheegin halka lagu qabtay.
Balse xogo ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya in askariga lagu qabtay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
ASkariga ayaa doonayay inuu ka gudbaa degmada, si uu kaga ag dhawaado goobo reerkiisa ku badan yihiin.
Lama oga sida laga yeelayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]