26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Imaaraadka oo ku jahwareersan qorshihiisa una yeeray dhowr musharax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada imaaraadka Carabta ayaa culeys xoogan kala kulmeysa inay wada kulmiso Musharaxiinta ay taageerto ee loolanka ugu jira qabashada xilka Madaxweynininmo ee Somalia.

Safiirka Dowlada Imaaraadka Carabta u qaabilsan Dalka Somalia Amba Maxamed Ahmed Alcosmaan, ayaa 13/12/2016 Musharaxiinta ay ku bixinayaa dhaqaalaha ku wargalshay in 7/1/2017 ay iska soo xaadiriyaan magaalada Nairobi si ay uwada qaatan kulan guud oo lagu soo afmeerayo kulamadii hore.

Safiirka ayaa waxa uu qorshihiisu ahaa in 9/1/2017 uu dhaco kulanka waxaana iminka la xaqiijinayaa inay lasoo gudboonaaden caqabado dhowr ah oo aan suuragalinkarin in kulankaasi uu marqura dhaco.

Caqabada ugu badan ayaa ah in Musharax wali uu yahay mid ku mashquulsan ololihiisa, waxaana suuragal noqonkara in Al-cuthmaani uu kali kali u qaabilo Musharaxiinta.

Al-cuthmaani ayaa si ba’an kaga soo horjeeda Musharaxiin uu kamid yahay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharaxiin kale oo dhowr ah.

Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka ayaa Musharaxiintaasi u taageereysa keliya ka faa’iideysiga kheyraadka dalka marka ay guuleystaan kadib, waxa ayna taa caqabad ku noqon doonta Qaranimada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa adkaaneysa in Dowlada Imaaraadku ay hanato dalka Somalia sida ay u hanatay dalka Masar, maadaama Siyaasad ahaan ay kala fogyihiin labada shacab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News