Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa shaaca ka qaaday inay dib usoo celin doonaan Matalaada Gobolka Banaadir oo ay xaqireen Hogaamiyayaasha Madasha Qaran.
Xildhibaan Caasha koos oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka kana soo jeeda Gobolada Waqooyi, ayaa sheegtay inay u istaagi doonaan dib usoo celinta Maqaamka Gobolka Banaadir.
”Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi waxa ay diyaar u yihiin inay dib usoo celshaan Maqaamka lumay ee Gobolka Banaadir waxaana arrintaani la kaashan doonaa Xildhibaanada kale”
”Talada lagu soo celinaayo maqaamka Gobolka waa mid u taal Xildhibaanada waxba kama khuseeyo Madasha waxaana rajeyneynaa inaan ku guuleysan doono soo celinta sharafka Gobolka Banaadir maadaama tallada ay tahay mid ku jirta gacanteena”
Xildhibaan Caasha koos waxa ay arrin qalafsan ku sheegtay in lagu doodo ”Gobolka Banaadir maqaam malaha”, waxa ayna ballanqaaday inay soo celin doonaan maqaamka la laalay.
Hogaamiyayaasha Madasha ayaa dhowr jeer ka biya diiday in maqaam gaara lasiiyo Gobolka Banaadir oo horay u lahaa maqaam.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

