32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shirar iska soo horjeeda oo Caawa ka socda magaalada Muqdisho (Yuu u dhexeeyaa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ka socda Shirar gaar gaara oo u dhexeeya Musharaxiinta loolanka ugu jira qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada.

Kulamada ayaa waxaa wada Musharaxiinta uu tartanka u dhexeeyo, kuwaa oo ka socda Hoteelada Makka Al-mukaram, Jazeera iyo Hooyga Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka.

Kulamada oo Seddex dhinac ka socda ayaa waxaa xooligiisa wada Musharaxiinta kala ah Jawaari, Xiddig iyo Faarax C/qaadir oo ah Seddexda Musharax ee la saadaalinaayo in midkood uu soo baxo.

Musharaxiintaani oo maalinta beri ah lagu wado inay hortagi doonaa Xildhibaanada ayaa waxa uu mid waliba wadaa ololihiisa ugu danbeeya oo lagu dooran lahaa.

Musharaxiintaani loolanka uu u dhexeeyo ee Caawa shirarka kawada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kala wata Madaxtooyada Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Lama saadaalinkaro Musharaxa kusoo bixi doona Doorashada maalinta beri ah la filaayo inay dhacdo sida Guddiga qabanqaabada Doorashooyinka Baarlamaanka sheegen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News