Guddiga qabanqaabada doorashada Galmudug oo maanta lagu dhisayo Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Xareed Cali Xareed Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inay maanta sameynayaan gudiga doorashada madaxweynaha Galmudug.

Xareed Cali, ayaa sheegay in shalay madaxweynaha ay kalsoonida kala laabtaan ayna qasab tahay inay soo doortaan madaxweyne cusub.

Wuxuu sheegay in gudiga la sameeyaa ay soo saari doonaan sharciyada doorashadda madaxweynaha Galmudug, loona baahan yahay dadka xilkaasi doonaya inay isku diiwaan geliyaan 45 maalin gudahood.

“Gudiga doorashada maanta ayaan dhiseysaa, waxaana cadeynaynaa in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso, waxaan sharci ah in ruuxa xilkaasi doonaya inuu kasoo baxaa sharuudaha laga doonayo”.ayuu yiri Xareed.

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay madaxtooyada Soomaaliya  inay faraha kala baxdo siyasada maamulka Galmudug.

“Madaxtooyada waan ka madax banaanahay, arimaheena hoose waan kaga madax banaan nahay, waxa kaliya ee aan wadaagi karnaa waa danaha qaranka”ayuu yiri Xareed Cali Xareed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com