28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog + Sawirro: Cabsi laga qabo inuu dhiig ku daado dhulkii Terabuunka ee Boorsaani uu iibiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-qabqabsi iyo muran ayaa ka taagan dhul ballaaran oo ah dhulkii danta guud ee fagaaraha Terabuunka, kaasoo dhawaan maamulka gobolka Banaadir uu ka iibiyay ganacsato isu tagtay.

Dhulkaani oo ka kooban 128 boos ayaa dadkii deganaa si qasab ah qaarkood looga kiciyay, halka qaar kale ay diideen in ay ka kacaan, waxaana ka taagan muran sababi kara gacan ka hadal iyo in dhiig uu ku daado.

Ganacsato uu ka mid yahay guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro Xasan Mire iyo C/qaadir Abuukar Cumar Caddaan ayaa maamulka gobolka Banaadir ka iibiyay dhulkaani oo kasoo horjeeda isbitaalka Digfeer, waxaana la sheegay in lacagtii laga bixiyay loo adeegsaday ololihii doorashada xildhibaanada ee ka dhacay Jowhar iyo Cadaado, kuna soo baxeen kuwoodii taageersanaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamo labisan dareeska dowladda ayaa maalmahaan lagu arkayay dhulkaasi muranka ka taagan yahay, waxaana uu muranka u dhaxeeyaa dadka deegaanka iyo wakiilo ka socda ganacsatada iibsatay dhulkaasi.

Ganacsatadii laga iibiyay dhulkaan danta guud ah ayaa kala bar sii iibiyeen, halka qaar kale iibintooda ay socoto, inkastoo ay xiligaan ka cararayaan ganacsatada in dowladda cusub ku dhalato, inta dhul ee u dhimanna ay si deg deg ah gacantooda ugu baxaan inta aysan dhalan dowladda cusub oo laga yaabo in waji cusub loo doorto Madaxweynaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amar kasoo baxay ganacsatado uu ka mid yahay Xasan Mire iyo C/qaadir Abuukar Cumar Caddaan u sharciyeysay, iyadoo documentigii sharciyeyntana lagu muujiyay magacyo kale oo lagu sheegay dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News