Jawaab: Maqaalkii “Beeni raad ma leh: Yaa burburiyey Soomaaliya?

Waxaan doonayaa inaan dooddaan fikirkayga ka dhiibto, macnahuna ma aha inaan ku doodaayo fikirkaygu wuu saxan yahay laakin waxaan sheegayaa waxaan u soo joogay iyo waxa hadda na haysta.

Horta qoraagu xur buu u yahay inuu soo bandhigo waxa uu qabo, si taarikhda dhabta ah loo helo, laakin ma haboona in la aflagaadeeyo ama qabiil lagu riixo, taasi waxay dhiiragalinaysaa in la caburiyo afkaarta shaqsiga ah. Qofku markuu wax sooyaal uu qoro waxaa kuu haboon inaad ku raacdid ama ku diidid adigoo keenaayo xujooyin/markhaatiyaal cadcad.

Anigu waxay ila tahay Soomaaliya laga bilaabo xuriyaddii 1960kii la qaatay ilaa iminka dawlad caadil ah talada ma qaban, waane tan sababta u ah in waddanka gabi ahaanba uu burburo, soomaalidana ay maciin bidaan qabiilka. Bal fiiri Cabdullaahi Cisse markii uu ra’isal wasaare noqday waxaa kor u kacay qabyaaladdii ay leegadii ka baabi’iyeen soomaalida, waxaane dawladdii uu madaxda ka ahaa ay soomaalidu u bixiyeen “Governo Sacad” Hadda sacad waa jifo hoose oo ka tirsan Habargidir oo ka sii tirsan Hawiye. Markii xurnimaddii si buuxda loo qaatay dawladahii waxaa awood ku lahaa Majeerteen, jifo ka tirsan harti kana tirsan daarood; oo dumarkooda suuqyada ku garaaci jiray ragga, inta uu Siyaad Barana inqilaabka samayn waxaa sharaxnaa Muuse boqor oo aakhirkii la doonaayey inuu noqdo boqor waddanka u taliyo.

Haddaba kacaanka oo shacabka sida fiican u soo dhaweeyeeen oo dhibic dhiig ah ku daadan maxuu qabtay? Taliska ilaa 1977 inta aan la galin dagaalkii aan eednay ee Ethiopia wax la taaban karo ayuu qabtay:

  1. Militariga waxay hayeen talada sare oo waxaa la oran jiray golaha sare kacaanka, Siyaad Bare wuxuu ka ahaa xoghaye guud. Golahu wuxuu ka koobnaa 25 markii dambana qaar ka mid ah ayaa la cunay waxayna noqdeen 21, haseyeeshee wasaaradaha waxaa madax ka ahaa niman shibil ah oo aqoon leh waxaane lagu magacaabi jiray xoghayayaal. Ogow taliska soo xulista xoghayayaasha kama marneen nidaam qabiil.
  2. Taliska wuxuu sheegay inuu aasay qabyaaladda, qofkii lagu maqlaane wuxuu mutaysan jiray xabsi, runtii muddadaas horumar la taaban karo ayaa lagu talaabsaday
  3. Dhanka aqoonta: qoraalka af soomaaliga, jaamacadda ummadda oo la badiyey kuliyadahiis (markii hore waxaa jiray oo kaliya kuliyadda dhaqaalaha iyo sharciga), dugsiyada aasaasiga ah oo la badiyey (dugsiyadu badankood lacag la’aan ayey ahaayeen kacaanka ka hor, laakin kacaanku wuxuu gaarsiiyey meelo fara badan oo markii hore la gaarsiin).
  4. Dhanka kobcinta dhaqaalaha: warshado, kobcinta beeraha iyo kaluumaysiga iyo wax fara badan oo aan la soo koobi karin.
  5. Dhanka kor u qaadista tayada ciidamada: Ciidamada soomaaliya waxay noqdeen ciidamada ugu tayada iyo hubka wanaagsan waxii ka hooseeya sahaaraha ee qaaradda Afrika; dabcan masar ayaa ugu hormarsan dhanka ciidanka.

Dagaalkii 1977 ka dib ayaa ah halka ay sartu ka qorantay. Maxamed Siyaad Bare wuxuu la soo baxay kaligii talisnimo oo faktii hore uu qarsaday. Waxaane ka mid ahaa qaldaadkii uu sameeyey kuwa hoos ku qoran:

  1. Golahii sare kacaanka ayuu ka saaray raggii ugu cadcaddaa oo runta u sheegi jiray; wuxuuna ka dhigay qaar uu dilo iyo qaar xabsiga lagu hubsado, halkaas wuxuu ku baabi’iyey in la waayo cid runta u sheegta taas ayey eheyd ujeeddadii ka dambeysay falkaasi guracan,
  2. Wuxuu ku dhawaaqay xisbiga kacaanka hantiwadaaga soomaaliyeed (XKHS) oo asaga ka noqday xoghayaha guud ahna madaxweynaha waddanka (shuuciyad)
  3. Wuxuu sameeyey doorasho macmal ah oo asaga iyo xildhibaanadiisa lagu doortay 99.9% (waa yaabee soo kama dhigna mucaaradba waddank kama jidho)
  4. Wuxuu kala eryey aqoonyahanadii la soo shaqeeyey oo ahaa xoghayayaashii wasaaradahii waddanka horumarka u horseeday, waxuuna ku baddalay wasiiro asaga u nacamleeya oo xoolaha waddanka booba. Siyaad wuxuu yidhi markii laga wareystay arintaas “100 aqoonyahan oo kacaandiid ah (yacnii runta ii sheega) waxaan ka jeclahay hal qof oo guulwade ah (yacnii ii nacmleeya sax iyo qalad)
  5. Waxaa qabuuraha laga soo saaray qabyaaladdii oo markii hore la aasay, waxaane dib u soo noolaaday in aan lala hadli karin qof mareexaan ah oo wuxuu doono ayuu ka sameynaayey waddanka oo ugu horeyso boobidda hantida qaran ilaa laga waayo bankiyaddii lacagahii ay shacabka dhigteen, inay si xaqdaro ah ku xiraan ciddii ay doonaan, waxaane la sameeyey hangash iyo baarista xisbiga oo taliyayaal looga dhigay niman mareexaan ah oo qibrad aan lahayn, halheys waxay u noqotay “Anigoo reer diini ah miyaa cid ila hadli kartaa” reer diini waa laf ka mid ah mareexaan, mareexaanna waa daarood.
  6. Waxaa burburay mooralkii ciidanka iyo kala dambeyntii, kadib taliyahii uu taliye u noqday midkii ardaygiisa ahaa oo asaga soo tababaray. Arintaan waxaa ka dhiidhiyey wasiirkii gaashaandhigga Cumar Xaaji Masale (qudhiisa waa mareexaan) oo damcay inuu kala dambeyntii ciidanka soo celiyo, wuxuuna ku mutaystay xarig.
  7. Waxaa talada wax ku yeeshay xaasaskii madaxweynaha (first ladies) oo maamulka faraha la galay
  8. Waxaa hoos u dhac ku yimid kobicii dhaqaalaha waddanka, waxaane hoos u dhac ku yimid shilinkii soomaaliya oo muddo mid fadhiya ahaa (stable) tan iyo gobonimadii (1 dollar wuxuu sarifkiisa ahaa 5 shillin soomaali)
  9. Qaar ka mid ahaa saraakiishii ka soo laabtay dagaalkii Ethiopia ayaa damac ka galay inay la wareegaan xukunka balse wuu dhicisooway. Waa yaabee saraakiisha intooda badan waxay ahaayeen qabiilka majeerteen oo doonaayey inay la wareegaan xukunka, si ay uga faa’idaystaan qabiilkood ileyn arintaan hore ayaan u soo xusay, oo waxay bilaabatay daakhilyadii, dawladdii rayidka eheyd iyo taliskii kacaanka. Waane halkaas oo ilaa iminka qabiil walba uu u doonaayo inuu xukunka qabto qof qabiilkooda u dhashay si khayraadka waddanka ay iyaga iyo cidday jaal la yihiin oo kaliya ay uga faa’idaystaan.
  10. Kacdoono qabiil ku dhisan ayaa bilowday 1978 – 1991 oo ah markay dhacday dawladdii soomaaliya
  11. Wuxuu xasuuqay maatidii ay ka soo jeedeen jabhadihii aan la mahdinin, waddankiina waxaa ku billawday burbur.
  12. Markii odayaashii u caddaatay waddanku qarka inuu u saran yahay burbur ayey ku dhiiradeen Siyaad Bare inay u sheegaan inuu iscasilo si waddanka loo badbaadiyo, Siyaad waa uu diiday (sida lagu yaqaan keligii taliye), odayaashiina xabsiga ayuu dhigay. Haddaba Siyaad wuu wanaagsanaa kuwa ku doodayow, halkaas jawaab hanaga siiyaan, haddalkiisa caanka noqday ayuuna yidhi oo ahaa “ Anigu dal dhisan ka tagi maayo); aaway waddanimada aad ku sheegaysaan?
  13. Waddankii wuu burburay asagiina maalin cad ayuu waddanka isaga tagay, kana doorbiday inuu si qaxootinimo uu ugu noolaado Nayjeeriya ilaa uu tii rabi halkaas ay ugu timid. Waxay ila tahay haddii uu yeeli lahaa taladii odayaasha, waddanka inuu burburi lahayn asagana si sharaf iyo qadarin leh ayuu ugu noolaan lahaa waddankiisa, taariikhduna way xusi lahayd sida Aden Cadde.

Haddaba waxaan la yaabanahay kuwa ku doodaayo markuu tagay maxaa wax ka wanaagsan loo samayn waayey?

Waxaan leeyahay jabhado qabiil ku dhisan, wanaagga laga sugaayo maxay tahay? Inay ka xumaadaan mooyee ma wanaag baa laga sugahayaa.. Jawaabtu waa maya, ileyn horaa loo yidhi “Dawlad xumi waxay dhaantaa dawlad la’aan”

Dawladahii waddanka isaga dambeeyey laga bilaabo dawladdii daakhiliga ilaa tii kacaanka ayaana eedda dusha ka saarayaa waxa ka dhacay waddanka ilaa iminkana ka socda “waxay na bareen (qabyaalad) ayaa ka daran waxay na badeen (burbur, dhac dil, iwm ah).

Soomaaliyeey iminka iyo dan, ma noqonaa ul iyo diirkeed oo qabyaaladda oo aan caadifada u hayno ma iska daynaa ama burburkaan ayeynu ku jiri doonnaa taas oo sababi doonta in la waayo waddan la yidhaa Soomaali. Taladu waxay gacanta ugu jidhaa jiilka hadda jooga oo samayn kara taariikh wanaagsan ama mid xun ileyn Ilaah qolona ma duleeya haddi ay iyaga is duleyn)

Wabillahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdiaziz A. Mohamed

E-mail: abdiazizam@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com