Addis-Abaa (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) ee xarunteedu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa lagu sheegay in khilaaf uu ka dhex jiro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Faarax Cabdulqaadir.
Hay’adda CDRC ayaa waxa ay la shaqeysaa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaana guddigeeda agaasinka ku jira wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin.
Dad badan, gaar ahaan musharaxiinta madaxweynaha ee Xasan Sheekh kasoo horjeeda ayaa rumeysan in guul-darradii Faarax ka raacday guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ay astaan u tahay in Xasan aan dib loo soo dooran doonin, hase yeeshee warbixintan ayaa leh in Xasan uusan shaqo ku lahayn arrinta Faarax.
Sababta ay muhiim u tahay guul-darradii Faarax ku dhacday ayaa ah khilaafka ka dhex oogan Xasan Sheekh iyo isaga, taasi oo keeni lahayd in haddii Faarax uu guuleysan lahaa uu caqabad ku noqon lahaa dib usoo doorashada Xasan Sheekh, ayey tiri warbixinta CDRC.
Waxay warbixinta intaas ku dartay “Maadaama hadda Faarax uu guul-darreystay, waxaa neef weyn ay kasoo go’day madaxweyne Xasan. Waxay tani xaqiiqdii sare usii qaaday rajada dib usoo doorashada madaxweynaha.”
Warbixinta kasoo baxday CDRC ayaa muujineysa arrimaha xasaasiga ah ee socda, balse dad badan aysan ka warhayn.
Bishii tagtay, waxaa jirtay in Faarax Cabdulqaadir uu ka qeyb galay casho uu musharax Cabdulqaadir Cosoble u sameeyey xidlhibaanada Hir-Shabelle, taasi oo dad badan ka yaabisay maadama lagu tirinayey dhinaca madaxweynaha. Hase yeeshee, waxay hadda u muuqataa inaan ognahay sababta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

