Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xili danbe ka hadlay falkii kufsiga iyo jirdilka ee loo geystay Gabar da’yar oo kamid ah dadka dega Goldogob.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in maamulka Puntland lagala xisaabtami doono dhalinyarada falkaasi geysatay waxa uuna ka digay in lala baalmaro sharciga.
Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in Puntland ay uga fadhiyaan in dhalinyaradaasi la mariyo waxa uu sharciga Islaamka ka qabo falkaasi, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday in garab muuqda uu ka geysan dooono xal u helida xaalada ay ku jirto Gabadhaasi.
Isagoo arrinkaasi walaac ka muujinaayo ayuu yiri ”Aad iyo aad ayey ii xanuun jisay falkii kufsiga iyo jirdilka ahaa ee ka dhacay Goldogob. Waxaan ku dhiirra-gelinayaa maamul Gobolleedka Puntland in sharciga la marsiiyo kuwii ka dambeeyey kufsiga gabadhaas”
Waxa uu intaa raaciyay ”Dowladda Soomaaliya dulqaad uma laha kufsiga iyo cabsi gelinta dumarka oo ah sharafta ummadda Soomaaliyeed, waxaan qirayaa in Dowladu aysan hortaagneyn xukunka dhalinyarada falkaasi ku kacday”
Geesta kale, Xasan Sheekh waxa uu qoyska Gabadha la faraxumeeyay u ballanqaaday caafimaad gudaha iyo mid dibadda ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

