Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee dhawaan laga soo kala xulay Caasimadaha Gobolada dalka.
Jawaari ayaa waxaa kulanka ku wehlinaayay Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahin Muudeey, waxa uuna kulanku ahaa mid looga hadlaayay arrimaha Doorashooyinka.
Guddoomiye Jawaari iyo Muudeey ayaa inta ay Xildhibaanada ku howlanaayen Cashada ka dalbaday in lala imaado isbedel dhanka howlaha, waxa ayna usoo jeediyeen in looga baahan yahay inay ka tashtaan doorashada Madaxweynaha badbaadin lahaa dalka.
Jawaari iyo Muudeey waxa ay Xildhibaanada u sheegen in sidoo kale loobaahan in mudada lagu gudajiro Doorashooyinka la muujiyo isku xirnaan iyo in mar waliba laga shaqeeyo maslaxada dalka.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa halkaasi ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanadu waxa ay khudbadahooda ka turjumeysay baahida loo qabo isbedel ku imaada shaqooyinka Baarlamaanka.


