Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka ee xilka wareejinaaya Obama ayaa Cafis u fidiyay Askariga lagu magacaabo Bradley Manning kaa oo Sirta Qaranka Mareykanka bixiyay.
Bradley Manning, ayaa Sirtaasi bixiyay sanadu marka ay aheyd 2009, waxa uuna la wadaagi jiray Wikileaks, kadib markii loo baahday macluumaad ku aadan Ciidamada Maraykanka iyo Xasuuqii ay ka geysteen dalka Ciraaq.
Bradley Manning, ayaa lagu xakumay Xabsi dhan 35 sano, waxa uuna ka qaatay 7sano oo xiriir ah, halka tirada hartay uu ka cafiyay Madaxweynaha Mareykanka ee xilka wareejinaaya Obama.
Cafiska Askariga lagu magacaabo Bradley Manning, waxa uu ka danbeeyay kadib markii uu ku dhacay xanuunka dhimirka, waxa uuna ku sigtay in muddo laba jeer ah uu is dilo.
Sirta uu bixiyay Mr Bradley Manning, ayaa waxaa qeyb ka aheyd qoraaladii ay isdhaafsan jireen Diblumaasiyiinta Maraykanka ee caalamka ku kala sugan taa oo lagu shaacin jiray Shabakada Wikileaks.
Arrintaasi oo dhalisa xiisado badan maadaama dalal badan ay ogaadeen qoraalada sirta ah oo ay diblumaasiyiinta Marayanka ka diyaariyaan, ayaa markii danbe gaartay heer Maxkamadeed.
Geesta kale, Sarkaalkii ka baxsaday Maraykanka Edward Snowden oo isaguna sirta Maraykanka bixiyey oo hadda ku sugan Ruushka ayaa soo dhaweeyey go’aanka Obama, sidoo kale shabakada Wikileaks ayaa u riyaaqday go’aanka Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Barack Obama.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

