Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, ayaa goordhow soo bandhigay Liiska Musharaxiinta loolanka ugu jira Xilalka Guddoonka.
Guddiga ayaa soo bandhigay Magacyada 16 Musharax iyo Xilalka ay u tartamayaan, waxa uuna Guddigu tilmaamay in Musharaxiintaasi looga baahan yahay Seddex oo kaliya.
Musharaxiinta lasoo bandhigay Liiska Magacyadooda ayaa kala ah:
Musharaxiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare.
1-Abdi Xaashi Cabdullahi.
2-Mustaf maxamed Qodax
Musharaxiinta Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.
1-Cabdi Axmed Dhuxulow
2-Cabdirisaaq Cusmaan Cali
3-Xasan Faarax Xujaale.
4-Axmed Xaashi Maxamuud
5-Cabdiwaaxid Cilmi Cumar
6-Maxamuud Axmed Maxamuud.
7-Abshir Maxamed Maxamuud.
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad.
1-Iftiin Xasan Baasto
2-Osmaan Axmed Macow
3-Hodan Maxamuud Cusmaan
4-Fartuun Cabdulqaadir Faarax
5-Sacdiyo Xasan Cusmaan
6-Mowliid Xuseen Guuleed
7-Cabdikaafi Macalin Xasan
Dhinaca kale, Musharaxiinta 16-ka ah ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ah ay jeediyaan Khudbadahooda, halka 22 oo ku beegan maalinta Axada ah ay u diyaar garoobi doonaan Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

