Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo diiwaangalinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare.
Diiwaangalinta Musharaxiinta ayaa bilaabatay 17 bishaan iyadoo wakhtiga loo qabtay ay ku beegan tahay 19 oo maanta ku beegan.
Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay inay qabteen arjiga Musharaxiinta islamarkaana ay u harsantahay keliya in loo gudbo dhageysiga Khudbadaha iyo qabashada Doorashada.
Guddiga waxa uu sheegay inaanu waxba iska bedeli doonin jadwalka islamarkaana Doorashadu ay dhici doonto 22 Bishaani.
Jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ayaa u muuqda in heshiis aan qorneyn laga gaaray sidii ay beelaha Soomaalida u kala qaadan lahaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha Aqalka Sare la siiyey beesha Dirta Waqooyi ama Isaaq, maadaama beelaha Hawiye, Daarood iyo Digil iyo Mirifle ay kala qaadanayaan saddexda xil ee ugu sarreysa dalka.
Labada guddoomiye ku xigeen ee Aqalka Sare ayaa waxaa kala qaadanaya beelaha Hawiye iyo Daarood, waxaana ka dhaxeeya tartan furan oo beeshii qaadata guddoomiye ku xigeenka koowaad maahee, tan kale ay qaadaneyso guddoomiye ku xigeenka labaad.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

